Heemaal News Network

Madaxweynaha Falastiin Oo Lagu soo Dhaweeyay Baarlamaanka Turkiga

Madaxweynaha dhulka la heysto ee Falastiiniyiinta, Maxamuud Cabbaas ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay xarunta Baarlamaanka Turkiga , isagoo marku soo galayay sacab ka helay dhammaan xildhibaannada, halkaa oo sidoo kale uu ku sugnaa Erdogan. Inta ay socotay hadal jeedinta Cabbaas xubno ka mid ah Baarlamaanka Turkiga waxay kor u hayeen sawirka Ismaaciil Haniyeh oo lagu dilay Tehran.

Baarlamaanka Turkiga waxay ku sheegeen soo dhaweynta Cabbaas inay uga jawaabayaan khudbadii Ra’iisul wasaaraha Israa’iil, Netanyahu uu ka jeediyay Congress-ka Mareykanka , laakin Baarlamaanka Turkiga ma aysan qaadan go’aan u dhigma kan Mareykanka ee lagu soo dhaweeyay dambiile dagaal oo xasuuqa ugu badan ee carruur loogu heysto dunidda ku kacay , balse waxay soo dhaweeyeen dambiilahaa nin oggalaanshihiisa xafiiska ku jooga oo aan matalin Falastiiniyiinta la xasuuqayo ee Qasa, taa oo ka dhigaysa go’aan eber ah midka Baarlamaanka Turkiga.