Dalka Jabuuti waxa soo gaadhay madaxwaynaha Faransiis Emmanuel Macron kaasi oo maalmihii ugu dambeeyay safar ku marayay qaar ka mida dalalka Geeska Afrika, waxaana Caasimada Jabuuti ku qaabilay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.
Labada Madaxwayne ayaa kulan aÿ wada qaateen kaga hadlay arrimaha Nabadgalyo darrada gobolka, arrimaha Soomaaliya iyo arrinta Marin biyoodka Baabul-Mandab.
Sidoo kale Raysal Wasaare Abiy Axmed oo Adis ababa kusoo dhaweeyay Macron ayaa sheegay in ay ka wada hadleen xidhiidhka iskaashi ee labada dal iyo arimaha Nabadgalyada geeska africa.