Heemaal News Network

Madaxweynaha Iran, Oo ku Gacan seyray Hanjabaadaha Mareykanka

Madaxweynaha Iran, Massoud Pezeshkian ayaa ku gacan seyray cadaadiska Mareykanka, isagoo sheegay in Iran ay u furan tahay wadahadal balse aysan qaadan doonin hanjabaad iyo cunaqabateyn.

Pezeshkian , ayaa ku soo bandhigay mowqifka Iran ee ay ku diidday cadaadiska Mareykanka gabay af Turki ah; “In la wajaho khatarta (daadka ama libaaxa) ayaa ka wanaagsan in la magan galo khiyaanada cadowga.”

Sababta uu gabay af Turki ah u adeegsaday , Massoud Pezeshkian wuxuu ka soo jeeda qoys bulshada Turkic, oo Iran ka ah 18% bulshada ku nool! Laga yaabe in ujeeddo gaar ah uu ka lahaa adeegsiga gabayga Turkiga ah, sida ‘uma hoggaansami doono reer galbeedka, sida Turkiga oo kale ‘..!