Heemaal News Network

Madaxweynaha Iran oo Weerar afka ah ku Qaaday Golaha Ammaanka

Madaxweynaha Iran Masoud Pezeshkian ,ayaa dhaleeceeyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, waxa uuna sheegay in golaha uu ku guul dareestay in ay wax ka qabtaan colaada bariga dhaxe , gaar ahaan dhibaatada Isra’il ka geesaneyso dhulalka Falastiin iyo Lubnaan.

Masoud Pezeshkian, ayaana si kulul u weeraray golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay oo uu sheegay inay ku guuldareysteen inay wax ka qabtaan colaada bariga dhexe, waxa uuna xusay waxa dhacaya kaliya indhaha ka eeganayaan ayna sameeneyn ficil waxtar leh..

“Dabka dagaalku wuxuu weli ka socdaa Marinka Gaza ee Falastiiniyiinta iyo magaalooyinka Lubnaan, iyo hay’adaha caalamiga ah iyo shirarka, iyo ugu sarreeya Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, oo ah darawallada nabadda iyo amniga caalamiga ah, ayaa ka maqan waxtarka lagama maarmaanka ah si loo damiyo. dabka shidan ” ayuu yiri Madaxweyne Pezeshkian oo ka hadlay kulanka BRICS ee Ruushka.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay , ayaa ku fashilmay in ay wax ka qabtaan xasuuqa ay Israa’iil ka geesaneyso magaalada Gaza iyo sidoo kale magaalooyin kuyaalla Lubnaan, waxaa sidoo kale xasuuqa Israa’iil sheeda ka eeganaya waddamada reer Galbeedka.