Heemaal News Network

Madaxweynaha Jubaland oo u Ambabaxay Dalka Kenya

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa saakay ka ambabaxay magaalada Kismaayo oo ay diyaarad gaar ah ka qaaday waxaana uu ku wajahan yahay magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya.

Waa safarkiisi ugu horeeyay tan iyo markii Axmed Madoobe markale loo doortay Madaxweynaha Jubaland uu safar dibadda ah aadayo.

Wararka aynu heleeyno ayaa sheegaya in Axmed Madoobe uu Kenya kulamo kula yeelan doono Safiirada Beesha Caalamka oo ay kawada hadli doonaan arrimo quseeya siyaasada Soomaaliya gaar ahaan Khilaafka kala dhaxeeya Dowladda iyo sidoo kale arrimaha mashaariicda ay hesho Jubaland.

Ilo wareedyo kale ayaa tibaaxaya in Axmed Madoobe uu kusii jeedo dalka Imaaraatka Carabta oo Booqasho rasmi ah kutagayo.

Jubaland iyo Dowladda Federaalka ayaa khilaafka u dhaxeeya oo ka dhashay isbadalka lagu sameeyay qodobo kamid ah Dastuurka iyo nidaamka Doorashada waxa ay gaartay in Dowladda ay waaran xarig ah ay u jarto Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe.