Kulankaas oo saacado qaatay, iskuna Xog-waraysteen madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo madaxda dhaqanku ayaa ugu horayn waxa ay madaxda dhaqanku madaxweynaha la wadaageen arrimo badan oo danta qaranka iyo ta deegaankaba leh.
Waxaanu madaxweynuhu uga mahadnaqay madaxda dhaqanka iyo aqoonyahankaba doorka muhiimka ah ee ay ku leeyihiin horumarka deegaanka iyo ka qarankaba. Waxaanu kulankaasi ku soo dhamaaday isfahan.
Qoraalkan kasoo baxay xafiiska madaxweynaha Somaliland ayaan lagu soo hadal qaadin tabashada beesha ee ka qabto xukuumada, balse ilo xogogaal ah ayaa xaqiijiyay in arimo badan oo beeshan ka tirsanaysay xukuumada Biixi kala hadashay, taasoo ay u wayn tahay xilka xayuubintii xildhibaan Maxamed Abiib oo kasoo jeeda beeshan Habar-cafaan.
Wa-bilaahi tawfiiq