Heemaal News Network

Madaxweynaha Somaliland Oo la kulmay Safiirada Beesha Caalamka Ee Kenya .

Madaxweynaha Somaliland Mudane Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro) oo ku sugan safarkiisii rasmiga ahaa ee uu ku joogay dalka Kenya, ayaa kulan ballaadhan la yeeshay Saaxiibada Somaliland ee fadhigoodu yahay dalka Kenya.

Kulankan waxa Madaxweynaha maamulka madaxbannaanida raadinaya ee Somaliland ku wehelinayey xubnaha wefdigiisa iyo mas’uuliyiinta sare ee xafiiska Somaliland dhawaan ka furatay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Dhanka kale, Masuulyiintii ka socday Beesha Caalamka ayaa isugu jiray: Safiirro, Safiir ku-xigeeno, Hay’adaha UN-ka, Madaxda Bangiga Adduunka, Madaxda Bangiga Afrika, iyo xubno sare oo ka socday Dalalka ay saaxiibka iskaashi leeyihiin Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland ayaa saaxiibada Somaliland u jeediyey khudbad taabanaysay qorshaha Xukuumadiisa ee ku aadan dhinacyadda: Horumarka, Nabbada, Dimuqraadiyadda, Dhaqaalaha iyo arrimaha mudnaanta u leh Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland.

Dhinaca kale, saaxiibada Somaliland ee shirka ka soo qayb-galay ayaa Madaxweynaha Somaliland ku ammaanay ciidan beeleedyadii dhawaan ay Xukuumadiisu qaramaysay sida oo kalena ballan qaaday wada shaqayn tolmoon oo ku dhisan is-faham.iyo iskaashi.