Heemaal News Network

Madaxweynaha Soomaaliland Oo Eedeeyn u Jeediyay Dawlada Somaliya

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa dowlada Soomaaliya ku eedeeyay ka soo horjeedo madaxbannaanida Somaliland.

Madaxweynaha oo Hambalyada Ciidul Fidrtiga la wadaagayay shacabka Hargaysa, ayaa dowlada Soomaaliya ku eedeeyay in ay Al Shabaab ka doorbido Somaliland iyo dowladnimadeeda.

Waxa uu ku eedeeyay dowlada Soomaaliya in ay xiriirka u jarto waddankasta oo cilaaqaad fiican la yeeshaSomaliland , isaga oo sheegay in taasi anay ahayn wax u qurux badan dad walaalo ah.

Waxa uu sheegay in Somaliland iyo Soomaaliya midoobeen iyaga oo laba dowladooda Soomaalidii kalena ay noqdeen qaar gaar isu taaga iyo qaar dowlado kale ku biira, ilaa imikana anay Soomaalida kale isku dayin in ay darsaan waxa ay isku hayaan labada dhinac.

Ugu dambeeyntiina Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi waxa uu sheegay in Somaliland anay colaad u haynin cidna, ee kaliya ay rabto shanta Soomaaliyeed oo walaalo ah, oo mid waliba ay dowlad gaar ah tahay.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Ex Xil Axmed Yaasiin Oo Tafsiiray Hadalkii M/Biixi Ee Khilaafka Doorashada

Heemaal

Xildhibaanada Guurtida Oo soo Buux dhaafiyey Barxada Golaha iyo Shir Madaxtooyada ka socda

Heemaaln

Danjirsaha Dawlada Kenya U soo Magacawday Somaliya Oo Warqadihii laga Gudomay(Sawirro)

Heemaaln