Madaxweynaha Suuriya, Bashaar Al-Asad ayaa maanta ku qaabbilay magaalada Dimishiq Wasiirka Difaaca Iran, Aziz Nasirzadeh, oo la sheegay inay ka wada-hadleen amniga gobolka iyo weerarrada soo noq noqday ee ay Israa’iil ka geysanayso gudaha Suuriya.
Waa sarkaalkii labaad ee sare oo ka socda Iran oo tan iyo dabayaaqadii toddobaadkii hore uu qaabbilayo madaxweynaha Suuriya, kaddib markii labo maalin ka hor uu tagay Dimishiq, la-taliyaha gaarka ah ee hoggaamiyaha Iran,Cali Larijani — inta uu ku sugnaa Dimishiq , waxay Israa’iil duqeysay meel aan ka fogeyn safaaradda Iran.