Labada Madaxweyne ayaa kulankooda ku falanqeeyay xoojinta xiriirka labada dal ee dhinacyada siyaasadda, amniga, dhaqaalaha, arrimaha bulshada iyo arrimaha gobolka. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku guda jira socdaal rasmi ah oo uu ku joogo dalka Jamhuuriyadda Midowday ee Tanzania, kadib martiqaad uu ka helay Madaxweyne Samia Suluhu Hassan.
Madaxweynaha Tanzania ayaa sidoo kale kulankaasi ku aqbashey martiqaad uu u fidiyey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ah inay socdaal ku timaaddo Soomaaliya.