Heemaal News Network

Madaxweynaha Uganda Oo Wiilkiisa u Dalacsiiyay Taliyaha Militariga

Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni oo 79 jir ah ayaa wiilkiisa Gen Muhoozi Kainerugaba u dallacsiiyay inuu noqdo Taliyaha Ciidamada.

Dallacaadda 49-jirkan ayaa ku soo beegantay iyadoo isku shaandheyn ballaaran lagu sameeyay golaha wasiirrada, taas oo lagu eryay shan wasiir.

Museveni oo xukunka hayay tan iyo 1986-kii, ayaa beeniyay wararka la isla dhexmarayo ee sheegaya in uu wiilkiisa oo keliya uu u diyaarinayo in uu xukunka ka beddleo.

Gen Kainerugaba waa shaqsi hadaladiisu ay muran badan dhaliyaan, isagoo si isa soo tarayaa ugu lug yeelanayey saaxadda siyaasadda, jabinayana hab-maamuuska militariga.

Sanadkii 2022 Aabaha Musaveni ayaa xilka ka qaaday wiilkiisa kaas oo ahaa taliyaha ciidamada dhulka kadib markii uu ugu hanjabay Twitter-ka oo hadda loo yaqaan X inuu ku duuli doono dalka deriska la ah ee Kenya.

Madaxweyne Museveni ayaa sidoo kale raaligelin siiyay hogaamiyaha Kenya, wuxuuna ka codsaday Kenyanka inay “cafis” u fidiyaan isagoo ka wakil ah wiilkiisa.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Uganda Oo Laga Mamnuucay iibka Hilibka Xoolaha

Heemaaln