NAIROBI: Madaxweynayaasha Puntland iyo Somaliland, Siciid Deni & Cabdiraxmaan Cirro ayaa yeeshey kulan-gaar ah oo saacado badan qaatay, sida ay xaqiijiyeen ilo ka agdhow labada dhinac oo aan faahfaahin ka bixin waxyaabaha laysla meel-dhigey.
Somaliland iyo Puntland ayaa dhawaan dib u soo celiyey xidhiidhkooda, ka dib markii ay iyaga oo aan cidi u dhaxayn ay is-dhaafsadeen maxaabiistii dagaalka Gobolka Sool ee ku kala xidhnaa Garoowe iyo Hargeysa.
Isu-soodhawaanshan labada dhinac ayaa lagu sifeeyey iskaashi dhinacyada; Gancasiga, ammaanka iyo siyaasadda Soomaalida ku wajahan, maadaama Hoggaanka Puntland uu mar kale quud-daraynayo Hoggaanka Soomaaliya.
Inkasta oo uu xukumadihii hore jiray xidhiidh dhexmara Garoowe iyo Hargeysa, kulankan ka-fool-ka-foolka ah waa kii u horreyey oo yimi xilli uu dhexdooda ka dhismay maamulka SSCKhaatumo.