Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden, ayaa shaaciyay in uu fasaxayo lacag gaareysa ku dhawaad sideed bilyan oo doollar oo lagu deeqayo dalka Ukraine, ka hor kulan uu Washinton kula yeelan doono, madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky.
Bayaan uu soo saaray, ayuu Biden ku sheegay in dhamaan deeqaha amniga ee Ukraine la siideyn doono dhamaadka muddo xileedkiisa.
Waaxa uu sidoo kale amray wareejinta hub iyo qalab kale, taas oo qayb ka ah dedaallo lagu xoojinayo difaacyada hawada Ukraine.