Heemaal News Network

Madaxweyne Ciro oo Xadhigga ka jaray Xafiis cusub Oo Somaliland ka furatay Kenya

Madaxweynaha Somaliland ayaa xadhigga ka jaray dhisme cusub oo uu yeelanayo xafiiska Somaliland ee Kenya, kaasoo ay dowladda Kenya joojisay furitaankiisa 26-kii bishan.

Xafiiskan oo uu madaxweynuhu qorsheeyay in uu xadhigga ka jaro 27-kii bishan, ayay dowladda Kenya horay u joojisay furitaankiisa, maaddaama heerkiisii hore laga dalacsiiyay oo loo beddelay “Mishanka Jamhuuriyadda Somaliland ee Kenya”, taasoo ah heer aad uga sarreeya kii hore ee xafiiska oo ahaa xafiis isgaadhsiineed (liaison office).

Xadhig-ka-jarista maanta ayaa muujinaysa in dowladda Kenya ay ogolaatay heerka cusub ee loo dalacsiiyay xafiiska, kaas oo hadda wixii ka dambeeya yeelan doona miisaan siyaasadeed, halka xafiiskii hore uu u qaabilsanaa oo kaliya isweydaarsiga arrimaha dhaqanka, ganacsiga, iyo isu-socodka dadka.

Kadib socdaal uu Madaxweyne Cirro ku tegay Kenya 26-kii bishan, dowladda Kenya ayaa soo saartay qoraallo ay ku caddeynayso in ay aaminsan tahay midnimada Soomaaliya, isla markaana aanay ogoleyn furitaanka xafiiska Somaliland oo loo dalacsiiyay heerka “mission”.

Xisbiga mucaaradka Somaliland ee Kulmiye, ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Cirro in uu Kenya u safray isaga oo aan casuumaad rasmi ah ka helin Madaxweynaha dalka Kenya, William Ruto, taasoo uu xisbigu ku tilmaamay qalad diblomaasiyadeed.

Sida ay qaar ka mid ah warbaahinta qorayaan, waxa la filayaa in Madaxweyne Cirro uu la kulmo Madaxweynaha Kenya. Kenya, dhankeeda, waxay sheegtay in xidhiidhka ay la leedahay Somaliland uu muhiim u yahay nabadda iyo ganacsiga gobolka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si weyn uga cadhootay soo dhoweyntii ay Kenya u samaysay Madaxweynihii hore ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, taasoo khatar gelisay xidhiidhka ganacsi ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya. Waana sababta la aaminsanyahay in Kenya imika ay u muujisay taageeradeeda midnimada Soomaaliya.