Sidoo kale, Madaxweynaha JSL waxa uu la kulmay ๐๐ก๐๐ข๐ค๐ก ๐๐๐ง๐ฌ๐จ๐ฎ๐ซ ๐๐ข๐ง ๐๐๐ฒ๐๐ ๐๐ข๐ง ๐๐ฎ๐ฅ๐ญ๐๐ง ๐๐ฅ ๐๐๐ก๐ฒ๐๐ง oo ah Madaxweyne-ku-xigeenka iyo Raysal Wasaare ku xigeenka dalkaasi, isla markaana ah Wasiirka Arimaha Madaxtooyada ee dalka Isku-taga Imaaraadka Carabta.
Madaxweynaha Somaliland waxa uu Dawladda Imaaraadka Carabta uga mahad naqay Marti-qaadka Rasmiga ah iyo maamuuska sare ee loo fidiyey Madaxweynaha Somaliland si uu uga qeyb galo Shirka Caalamiga ah ee Kulanka Dawladdaha Caalamka.
Madaxweyne Cirro waxa uu madaxda Dawladda Imaaraadka kala hadlay arrimo door ah oo muhimmad iyo mudnaanba u leh labada dhinac iyo labada shacab ee walaalaha ah, arrimahaasina waxa ka mid ahaa:
Iskaashiga Arrimaha Dhaqaalaha, Maalgashiga iyo ka wada shaqaynta Xasiloonida Mandaqadda. Dhanka kale, Madaxweynuhu waxa uu Dawladda Imaaraadka Carabta kala Hadley inay Somaliland ka taageerto xagga kaabayaasha dhaqaalaha iyo in labada dhinac ay iska kaashadaan xagga arrimaha Amniga, gaar ahaan Xasiloonida Marrin Biyoodka Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas.