Madaxweyne Siciid Deni ayaa ciidanka ku boggaadiyey guulaha ay kasoo hooyeen xagga amniga iyo difaaca, iyadoo ciidamada Puntland oo aysan AMISOM wehelin ay sugaan amniga dhulka ugu weyn Soomaaliya .
“Waxaan ku faraxsanahay in iyadoo AMISOM ama ATMIS joogin, ay ciidankeenu ku guuleysteen in ay sugeen amniga Puntland oo ah dhulka ugu weyn Soomaaliya” ayuu yiri Madaxweynaha maamulka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.
Madaxweynaha ayaa dhinaca faray saraakiisha iyo ciidanka maamulka Puntland, in la isu diyaariyo guluf dagaal lagu soo afjarayo argagixisada ku dhuumaaleysanaysa buuraha Puntland, arrintaasi oo hadda ah howsha ugu weyn ee Dowladda hortaalla.