Shirka jiheynta Xukuumadda waxaa lagu soo bandhigaya qorshaha shaqo ee Xukuumadda horyaalla oo lagu jaangooyey siyaasiyadda madaxweynaha ee difaac iyo dimuqraadiyad, sida ay u wada shaqeynayaan hay’adaha Puntland iyo horumarinta wadashaqeynta Beesha Caalamka.
Wasiiradda maamulka Puntland ayaana inta uu socdo shirka waxa ay kusoo bandhigi doonaan waxyaabaha u qorsheysan in ay qabtaan iyo sida ugu muhiimsan ee looga mira-dhalinkaro hiigsiga xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Deni.
Madaxweyne Deni oo hadal ka jeediyay furitaanka shirkan ayaana sheegay in Puntland diyaar u tahay horumarinta maamulkeeda iyo deegaannada ay ka taliyaan, waxa uuna sheegay in xukuumadda horyaalaan shaqooyin badan oo u baahan wax qabad dhab ah.