Maxaabiista Siciid Deni qaabilay ayaa maamulkiisa iyo maamulka Somaliland, 30-kii April 2025, ay wada gaareen heshiis maxaabiis isweydaarsi, iyadoon cidkale u dhaxeyn, Heshiiskaasi ayaa lagu siidaayey 26 Maxbuus oo labada dhinac ah.
Madaxweyne Siciid Deni, ayaa maxaabiista uu maanta qaabilay ka xaal wareestay marxaladihii iyo xaaladihii adkaa ay la kulmeen intii ay ku jireen xabsiyada maamulka Somaliland.
Maamulada Somaliland iyo Puntland, ayaa dhawaan is dhaafsaday maxaabiis ay ku kala qabsadeen dagaalkii ka dhacay magaalada Laascaanood iyo deegaannada ku xeeran , waxaana heshiiska labada maanul gaareen si weyn usoo dhaweeyay bulshada qeybaheeda kala duwan.