Heemaal News Network

Madaxweyne Deni Oo Xil Hadal heyn Badan Dhaliyay Magacaabay

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa wateegto uu maanta soo saaray ugu magacaabay Mulki Abdisamad Hussein, in ay noqoto wakiilka maamulka Puntland u fadhin doona dalka Maraykanka.

Magacaabista wakiilka Puntland ee dalka Mareykanka ayaana hadal heyn badan ka abuuray baraha bulshada, waxa ayna dad badan layaab ku tilmaameen in maamul goboleed dal kale u magacawdo wakiil , xilli Soomaaliya dalkaasi safiir ku leedahay.

Dadka qaar ayaana sheegay in magacaabistan buu sameeyay Madaxweyne Deni ay tahay mid aan sharci waafaqsaneyn, waxa ayna xuseen in dowladad Federaalka kaliya tahay cida dal kale ka sameesan karta safiir iyo qunsuliyad ama wakiil.

Halkan ka Akhriso wareegtada magacaabista Madaxweyne Deni

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr 17, 14 Agoosto 2024, ku magacaabay Wakiilka Puntland ee Dalka Maraykanka.

Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Markuu Arkay : Dastuurka Dowladda Puntland.

Markuu Arkay: Baahida loo qabo in la xoojiyo xiriirka ka dhexeeya Dowladda Puntland iyo Qurba joogta Puntland ee ku nool dalka Maraykanka.

Markuu Tixgeliyey: Aqoonteeda iyo Khibradeeda Shaqo.
Wuxuu Xeeriyey:

1. Waxaa Mulki Abdisamad Hussein loo magacaabay Wakiilka Dowladda Puntland ee Dalka Maraykanka.

2. Xeerkani wuxuu dhaqangelaya Markuu Madaxweynuhu Saxiixo, Wuuna saxiixay.