Heemaal News Network

Madaxweyne hore Oo Xabsi Daa’in Lagu Xukumay kaddib Dambiyo Lagu helay

Madaxweynihii hore ee dalka Honduras Juan Orlando Hernández, ayaa lagu xukumay xabsi daa’in , kaddib markii lagu helay dambiyo ay kamid ahaayeen ka ganacsiga maandooriyaha iyo heesashada hub sharci-darro ah.

Maxkamad federaal ah oo la horgeeyay Juan Orlando Hernández ayaa ku heshay dambi ah inuu maleegayay in daroogo nuuca kookaynta loo yaqaan soo geliyo Maraykanka, waxaa sidoo kale lagu helay in uu haystay qalabka wax burburiya oo ay ku jiraan hub.

Madaxweynihii hore ee Honduras ayaa sidoo kale lagu eedeeyay in xukuumadiisii ayba u dhisneed xukuumad daroogo oo kale, waxaana lagu helay in uu laaluush ka qaadan jiray kooxaha ka ganacsada maan-dooriyaha.

Juan Orlando Hernández oo 55-sanno jir ah ayaa diiday in uu galay wax dambi ah, waxa uuna sheegay in dacwadaha lagu soo oogay ee yihiin kuwa siyaasadeed oo laga leeyahay dano gaar ah.

Madaxweynaha xukunka xabsi daa’inka ah lagu xukumay ayaa dalka Hunduras ka talinayay intii u dhaxeysay 2014 ilaa 2022, waxa uuna ku guuleestay labo xilli doorasho oo ka qabsoontay dalka Hunduras.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Maxkamad ku taal Maraykanka Oo Hakisay Sharci ka Dhan ah Soogalootiga Oo Saacado kooban Dhaqan galay

Heemaaln

Maamulka SSC Khaatumo Oo Laga Saaray Habraaca Dasyuurkii Somaliya Ee Loo Gudbiyey Baarlamaanka

Heemaaln

Wiil Markhaati Ku Furay Seedigii Oo Hargeysa Lagu Dilay Meydkiisa-na Lagu Muran-sanyahay

Heemaaln