Waxaa maanta magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, soo gaaray Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed iyo wafdi balaaran oo la socday , waxaana si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka Aadan Cadde.
Madaxweyne Laftagareen inta uusan kasoo degin garoonka Aadan Cadde , waxaa kasoo horreysay diyaarad gaar ah oo waday ciidamo ilaalo u ah, kuwaa oo ku hubeysnaa qoryaha shiishka dheer ee caanka ku yihiin ciidamada Itoobiya , kuwaa oo loo yaqaan shaamshuutar.
Laftagareen ayaa markii hore marka uu yimaado magaalada Muqdisho waxaa la socon jiray kaliya ilaalo aad u yar una badnaa dharcad, hasa ahaatee tallaabada uu maanta qaaday ayaa u muuqatay mid muujineysa in uusan ammaankiisa ku aamini karin ciidanka Soomaaliya.
Khilaafka kala dhaxeeya Madaxweyne Laftagareen Villa Soomaaliya, ayaana sabab looga dhigay in maanta ciidamo aad u hubeysan kala dego magaalada Muqdishio, kuwaa oo si gaar ah u ilaalin doona ammaankiisa inta uu joogo magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaana magaalada Muqdisho kaga qeyb gali doona shirka Golaha Wadatashiga Qaran , kaa oo la filayo in looga hadlo xaalada siyaasadeed ee dalka iyo sidoo kale doorashooyinka la filayo in ay ka dhacaan dowlad goboleedyada.