Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa daahfurey mashruuca iftiiminta xaafada Barwaaqo ee magaalada Baydhabo, waxaana mashruucan Hirgelintiisa iska kaashanayaa Koonfur Galbeed iyo dowladda Ingiriiska.
Madaxweyne Laftagareen ayaa sheegay in mashruucan maanta laga daahfuray magaalada Baydhabo faa’iido badan ugu jirto dadka magaalada, waxa uuna xusay in laga shaqeenayo guud ahaan sidii magaalada u noqon laheyd mid iftiin ah.
Laftagareen ayaa sidoo kale sheegay in ay jiri doonaan mashaariic kale oo bulshada faa’iido u leh oo laga hirgalinayo magaalada Baydhabo, waxa uuan xusay in maamulkiisa gacan weyn ka geesanayo fulinta mashaariic dadka iyo deegaankaba faa’iido badan u leh.
Munaasabada daahfurka mashruuca iftiiminta xaafada Barwaaqo waxaa ka qeybgalay wasiiro katirsan Koonfur Galbeed, xildhibaano, la Taliyaal, maamulka gobolka Baay kan degmada Baydhabo iyo marti sharaf kala duwan oo lagu casuumay.