Heemaal News Network

Madaxweyne Museveni Oo Diiday Shirka Nabada Ee Ukrain kusoo Marti-qaaday.

Safiirka Ukrain ee Kenya iyo Uganda oo deggan Nairobi ayaa dhowaan booqasho ku tagay Kampala si uu Madaxweyne Museveni ugu casuumo shirka nabadda ee ka socda Switzerland.

Museveni waa uu diidday martiqaadka, sida ay xaqiijiyeen ilo diblomaasiyadeed oo kulanka la socday.

Madaxweyne Xasan iyo Ruto, ayaa ah hoggaamiyayaasha gobolka ee shirkaa ka qaybgalay.

Ruushka iyo Shiinaha ayaa shirkan qaadacay, dalalka labada dhinac saameynta ku leh ee Sacuudiga, Turkiga iyo Brazil ayaa dhankooda hoos u dhigay oo wasiirro iyo safiiro u diray.