Heemaal News Network

Madaxweyne Muuse Biixi Oo Xeerkii Doorashooyinka Dib Ugu Celiyey Golaha Guurtida.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa xeerka doorashooyinka ee Xeer Lr 91 dib ugu celiyay Golaha Guurtida.

Madaxweyne Biixi oo xeerkan losoo gudbiyay kadib markii ay Golaha Wakiiladu ka saareen wax ka badal ay Golaha Guurtidu ku sameeyeen, ayaa maanta markale xeerka dib ugu celiyay guurtida.

Mucaaradka Somaliland ayaa sugayay in Biixi uu si deg deg ah u saxeexo xeerka, lakiin waxa la sheegaya in ay ku jiraan qodobada qaarkood oo aan wali lagu wada qanacsanayn inkasta oo xildhibaanada Golaha Wakiiladu ay mucaarad iyo muxaafad-ba cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen.

“Kol hadii Xukuumadii Muuse biixi sharci loogu taag waayey ,waxaanu u sheegeynaa shacabka sharci darro inagu xukumi maayo, nina taagtii,nina tamartii.” Xildhibaan Mustafe Khayreeye oo ka tirsan Golaha Wakiilada, oo ka cadhooday xeerka dib loo celiyay ayaa sida ku baahiyay bartiisa Facebook.

“Kursiga dalka waxa loogu fadhiyi karaa hab sharci ah oo dastuurka Waafaqsan,sidaas baana lagu gaadhi karaa helistiisa” ayuu Khayreeye hadalkiisa sii raaciyay.

Inkasta oo xildhibaanada Golaha Guurtidu ay ku kala qaybsameen diidmada uu Golaha Wakiiladu meesha kaga saaray wax ka badalkii ay ku sameeyeen xeerka hadana Guddoomiye Saleebaan ayaa sheegay in xeerkaasi uu guurtida dhaafay.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

21 Qof Rayid ah Oo Lagu Laayay Duqayn ka Dhacday Gobolka Sh/Hoose Oo Laga Qayliyay

Heemaaln

Madaxdii DFS iyo Dowlada Juboland Oo Qasriga Garaadka guud SSC ku Booqdey Laascaanood

Heemaal

Xildhibaanno si Adag Uga Hadlay Habraacii wax ka Badelka Dastuurka Ee la Ansixiyay.

Heemaal