Heemaal News Network

M/Putin iyo Kim Jong Un oo kala saxiixday heshiis shaki badan abuuray

Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin ayaa maanta booqasho taariikhi ah ku tagay magaalada Pyongyang ee caasimadda Kuuriyada Waqooyi, waxaana halkaasi si weyn ugu soo dhaweeyay hoggaamiyaha dalkaasi iyo masuuliyiin kale.

Putin iyo Kim Jong Un ayaa kulan albaabada u xirnaayeen oo ku dhawaad labo saac socday wada qaatay, waxa ayna labada hoggaamiye kawada hadleen arrimo dhowr ah oo khuseeya xiriirka labada dal iyo xiisada siyaasadeed ee kala dhaxeysa labada dal reer Galbeedka.

Labada hoggaamiye ayaa kulankooda qodobada ay uga wada hadleen waxaa qeyb ka ahaa sidii ay uga wada shaqeyn lahaayeen sida ugu macquulsan ay uga gudbi lahaayeen cunaqabateynta uu Mareykanku ee saaran labada waddan.

Madaxweyne Putin iyo dhigiisa Kuuriyada Waqooyi ayaa la sheegay in ay kala saxiixdeen heshiis iskaashi ah, waxaana wali adag in la helo qodobada rasmiga ah ee labada hoggaamiye ku heshiiyeen iskana kaashanayaan.

Waddamada reer Galbeedka ayaa si weyn uga walaacsan booqashada Madaxweyne Putin ku tagay Kuuriyada Waqooyi iyo heshiiska labada hoggaamiye kala saxiixdeen, waxa ayna isha ku hayaan oo ka war dhoorayaan qodobada heshiiska labada dhinac gaareen.

Safarka Madaxweynaha dalka Ruushka ku tagay Kuuriyada Waqooyi ayaa noqonaya kii ugu horreeyay uu dalkaasi ku tago muddo 24-sanno ah, waxa uuna safarkan kusoo aadaya xilli labada dal xiriir dhaw leeyihiin ayna iska kaashadaan dhinacyo kala duwan.