Heemaal News Network

Madaxweyne Putin: “Nolosha Trump halis ayey ku jirtaa”

Madaxweynaha Ruushka Putin ayaa si cad u sheegay inay khatar ku jirto nolosha Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump oo maalmo ka hor ka badbaaday isku dil.

Putin ayaa sheegay inay shaqeyn waayeen hannaan kasta oo la isku dayay in looga joojiyo doorashada inuu galo.

Wuxuu tixraacay dhowr kiis iyo sumcad dil lagu sameeyay Trump si loo maxkamadeeyo doorashadana looga saaro, waxa kaliya ee haray wuxuu ku sheegay Putin “ Waa in la dilo Trump.”

Dhinaca kale, Dallas Alexander, oo ah toogte khibrad leh oo 14 sanno ka tirsanaa militariga Canada, kana mid ahaa ilaalada gaarka ah ee Ra’iisul Wasaaraha Canada, ayaa isagoo ka jawaabaya toogashadii uu ka badbaaday Trump waxaa uu sheegay iney aheyd mid abaabulan.

“Aad ayaan u garanayaa qaabka loo qaabeeyey dhacdooyinka noocaan ah iyo waxa ay shaqadu noqon doonto, waxaanan arkay wixii dhacay. Shaki igagama jiro in qofka wax toogtay uu gacan ka helay meel ka mid ah hay’ad, urur, ama dawladda.” ayuu yiri Dallas Alexander.

Hay’adda dambi baarista Mareykanka ee FBI-da, ayaa sheegtay toogashadii uu ka badbaaday Trump inay u aqoonsanayaan , weerar argagixiso oo gudaha ah , iyagoo intaa ku daray illaa hadda inay arkayaan ninka weerarka geystay inuu kaligii abaabulay,balse uu sii socon doono baaritaanka illaa ay ka helayaan caddeymo dheeraad ah.