Heemaal News Network

Madaxweyne Salva Kiir Oo Laba Sano Dib u Dhigay Doorasho la Qabanayay Dhawan

Dowladda South Sudan ayaa qabanaysa shir deg-deg ah oo golaha wasiirada ah saacado kadib markii ay ku dhawaaqday in doorashada qaranka ee mudada dheer dib loo dhigay iyadoo loo qorsheeyay in ay qabsoonto laba sano kadib.

Doorashada ayaa lagu waday inay qabsoonto bishan December.

Heshiis nabadeed oo 2018-kii lagu soo afjaray dagaal sokeeye ayaa u oggolaaday madaxweyne Salva Kiir in uu sii hayo mas’uuliyadda dowladda ku meel gaarka ah iyada oo cadowgiisii ​​hore ee Riek Machar uu u ahaa ku xigeenkiisa.

Xafiiska Mr Kiir ayaa sheegay in dib u dhaca doorashada ay lagama maarmaan tahay si loo dhameystiro howlaha muhiimka ah oo ay ka mid tahay qorista dastuur cusub.

Qaar ka mid ah dadka Koonfurta Suudaan ayaa dib u dhigista u arka in ay caddayn dheeraad ah u tahay in madaxda siyaasadda ay ka caga jiidayaan in ay xukunka ka tanaasulaan.