Madaxweyne Donald Trump ayaa faray saraakiisha in ay qorsheeyaan sii deynta macluumaad la xiriirra dillal kii ugu saameynta ee badnaa taariikhda Maraykanka, kuwaas oo lagu khaarajiyay John F Kennedy, Robert F Kennedy, and Martin Luther King Jr.
Amarka ayaa lagu faray saraakiisha sare ee maamulka in ay soo bandhigaan qorshe lagu baahinayo macluumaadka ay xambaarsan yihiin dukumintiyada sirta ah muddo 15 maalmood ah.
Madaxweyne John F Kennedy ayaa lagu dilay Dallas 1963-dii. Walaalkii Robert F Kennedy ayaa isna la khaarajiyay xili uu u tartamayay xilka madaxweynaha gobolka California 1968-dii, labo bilood kadibna waxa lagu khaarajiyay magaalada Memphis ee gobolka Tennessee hoggaamiyihii caanka ahaa ee xuquuqda rayidka Martin Luther King Jr.
John F Kennedy ayaa waxa toogtay Lee Harvey Oswald oo ahaa askari ka tirsanaa ciidamada badda Maraykanka kaas oo u baxsaday wadankii la oran jiray Midowga Sofyeeti, isagoo markii dambe ku soo laabtay Maraykanka. Guddiga ay u saartay dawladdu waxa uu sheegay in Oswald uu kali ku ahaa dilka madaxweyne John F Kennedy.
Si kastaba ha ahaatee, su’aallo aan laga jawaabin ayaa muddo dheer ku gadaannaa kiiskan, waxa jiray aragtiyo kale oo ka hadlaya ku lug lahaanshaha xubno dawladda ka tirsan iyo qolooyin maafiyo ah.
1992-dii, Aqalka Koongareyska Maraykanka ayaa ansixiyay xeer si loo sii daayo xoggaha la xiriirra baaritaannada la sameeyay muddadaa 25 sano ahayd. Trump muddo xileedkiisii hore iyo Madaxweyne Joe Biden waxay sii daayeen dukumintiyo la xiriirra dilka JFK, laakiin kumannaan dukuminti haddaanayba malaayiin ahayn ayaa wali sir ah oo aan la sii deyn.
Trump ayaa balan qaaday in uu daaha ka rogi doono dhammaan warbixinnada muddo xileedkiisii hore laakiin waxa uu dib u dhigay markii ay ka codsadeen madaxda CIA iyo FBI in dukumintiyada qaar sir ahaan loo sii hayo.