Madaxweynaha la doortay ee Donald Trump ayaa Sabtidii ku hanjabay 100% canshuuro ka dhan ah dalal ka kooban sagaal dowladood haddii ay ku dhaqaaqaan inay wiiqaan dollarka Mareykanka
Hanjabadiisu waxa ay ku wajahnayd dalalka loogu yeedho isbahaysiga BRICS, kuwaas oo ka kooban Brazil, Russia, India, China, South Africa, Masar, Ethiopia, Iran iyo Imaaraadka Carabta.
Turkiga, Asarbayjaan iyo Malaysiya ayaa codsaday inay xubin ka noqdaan isbahaysiga, dhowr waddan oo kale ayaa muujiyay inay xiiseynayaan inay ku biiraan.
Halka dollarka Maraykanku uu yahay lacagta loogu isticmaalka badan yahay ganacsiga caalamka, xubnaha isbahaysiga iyo dalalka kale ee soo koraya ayaa sheegaya in ay qaati ka taagan yihiin awoodda Maraykanku ku leeyahay nidaamka maaliyadeed ee caalamka.
Trump, ayaa qoraal uu soo dhigay Bartiisa Bulshada, waxa uu ku yidhi, “Waxa aanu dalalkan uga baahannahay ballan-qaad ah in aanay samayn doonin Lacag cusub oo BRICS ah, ama aanay dib u soo celin doonin Lacag kale oo lagu beddelo Dollarka Maraykanka ama, waxa ay wajihi doonaan 100% Tariffs.”
Shir madaxeedka wadamada BRICS bishii Oktoobar, madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin wuxuu ku eedeeyay Mareykanka “awooda” dollarka oo uu ku tilmaamay “khalad weyn”.
“Ma nihin anaga kuwa diidaya isticmaalka dollarka” ayuu yiri Putin xiligaas. Laakin hadii ay noo ogolaan waayaan in aan shaqeyno maxaan sameyn karnaa,waxaa nalagu qasbay in aan raadiyo wax kale oo aan ka badalno.”
Ruushku waxa uu si gaar ah u riixay abuurista nidaam lacag-bixineed oo cusub kaas oo lagu beddelayo shabakadda caalamiga ah ee bangiyada, SWIFT, si ay Moscow uga hortagto cunaqabataynta reer galbeedka .
Trump ayaa sheegay in aysan jirin “fursad” BRICS ay ku badali doonaan doollarka Mareykanka ee ganacsiga caalamiga ah.