Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa ku amray hay’adaha ammaanka ee Mareykanka inaysan u oggolaan kulamada la xiriira arrimaha Shiinaha inuu goobjoog ka noqdo Elon Musk, kaddib markii ay baxday xog gaar ah oo la xiriirtay Shiinaha, taa oo dhalisay in shaqada laga cayriyay labo sarkaal oo sare oo kala ah Dan Caldwell iyo Darin Selnick oo ka tirsanaaa waaxda difaaca Mareykanka ee Pentagon-
iyadoo markii loo sheegay Madaxweyne Trump ayaa sidoo kale markii loo sheegay in goobtaa uu joogay Elon Musk , uu ku falceliyay ; “Muxuu f *** k Elon ka sameynayay? Hubi inuusan tagin, “ayuu yiri Trump oo markaa ku wargeliyay xoghayaha difaaca Mareykanka , Pete Hegseth in mar kale Elon Musk, aan loo fasixin inuu ku sugnaado kulan la xiriira amniga iyo arrimaha Shiinaha, sida ay sheegtay warbaahinta Axios.
Warbixintu , waxaa kaloo ay sheegtay in horey Trump uu uga saaray Elon Musk, shir gaar ah oo ka dhacay waaxda difaaca Mareykanka ee Pentagon-ka oo lagu soo bandhigay warbixinno sir ah oo la xiriiray suragalnimada dagaal uu Mareykanka la galo Shiinaha.
Elon Musk, wuxuu xiriir ganacsi oo gaar ah la leeyahay saraakiisha sare ee Shiinaha , taa oo keentay in xiriir joogta ah uu la wadaago hoggaanka sare ee dawladda Shiinaha ,tallaabadan oo la sheegay inay ka caraysiisay saraakiisha sare ee maamulka Trump , oo ku sheegay Elon Musk, mid aan lagu kalsoonaan karin.