Heemaal News Network

Madaxweyne Trump Oo ka Fekeraya in uu Iibiyo Gaarigiisa Tesla hal Sabab darteed

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa ka fekeraya inuu ika iibiyo gaadhigiisa Tesla, sida uu werinayo CBS News , iyadoo la xiganayo sarkaal sare oo ka tirsan Aqalka Cad.

Warbixintu waxay sheegtay in gaarigaas cas, oo uu iibsaday xilli uu isku dayayay inuu ka caawiyo Elon Musk suuq-geynta shirkaddiisa, uu toddobaadyadii la soo dhaafay ku xareysnaa Aqalka Cad.

Donald Trump ayaa maanta la hadlay warbaahinno kala duwan oo Maraykan ah, iyadoo dhowr warbaahin ay sheegayaan in madaxweynuhu uusan hadda qorsheynin inuu la hadlo Elon Musk.

Elon Musk — oo si degdeg ah uga falceliyay hadalladii Trump xalay, weli kama uusan jawaabin hadallada cusub ee madaxweynuhu maanta jeediyay.

Xalay waxaa baraha bulshada ka dhacay wax-isdhaafsi degdeg ah oo u dhexeeyay labada nin. Si kastaba, ciiwaannada baraha bulshada ee Musk ilaa hadda waa aamusanyahiin.

“Xitaa kama fikirayo Elon. Wuxuu la tacaalayaa dhibaato. Ninkaas miskiinka ah dhibaato ayuu ku dhex jiraa,” ayuu Trump u sheegay CNN.

Sida aan horey u sheegnay, Trump ayaa u sheegay ABC News in uu Musk ku sifeeyay “nin waalan”

Madaxweynuhu sidoo kale maanta ku dhex jiray bartiisa Truth Social, balse wali ma uusan soo hadal qaadin Musk.