Qoraalka xildhibaannada ayey ku sheegeen in dowladda Federaalka abaabuleyso shaqsiyaad horey uga tirsanaa Jubbaland iyo maleeshiyaad loogu tala galay in falal amni darro ka abuuraan xadka Jubbaland la wadaagto Kenya , ayna galaan gudaha dalka Kenya.
Xildhibaannada ayaa uga baaqay dowladda Federaalka in falalkaasi iyo abaabulka ay wadaan joojiyaan, waxa ay sidoo kale ugu baaqeen in ay dib usoo celiyaan shaqsiyada iyo maleeshiyaad iyo hub ay geeyeen xadka Soomaaliya iyo Kenya.
Halkan ka akhriso qoraalka kasoo baxay xildhibaannada