Heemaal News Network

Madaxweyne Xasan Oo Ubax Dhigay Taalada SYL (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xuska munasaabadda halgankii gobanimodoonka ee SYL awgeed ubax dhigay taallada SYL ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa dhallinyarada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey Munaasabadda qiimaha badan ee 15-ka May, isaga oo ku bogaadiyay kaalinta muuqata ee ay kaga jiraan horumarinta dalka iyo halganka lagu ciribtirayo Khawaarijta.

Madaxweynaha ayaa intii uu ku sugnaa Taallada Halgameyaashii SYL waxa uu xus iyo duco ugu sameeyey dhallinyaradii 13-ka ahaa ee horseeday xornimada dalka, isaga oo shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ku dhiirrigeliyey in ay ilaashaadaan midnimada, wadajirkooda iyo dowladnimada taasi oo ahayd mabaadi’dii saldhigga u ahaa halganka SYL.

Sidoo kale, Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa iyada oo lagu gudajiro munaasabadda xuska Maalinka Dhallinyarada Soomaaliyeed ee 15-ka May, waxaa uu dhagax-dhigay dhismaha cusub ee ay ku shaqayn doonto Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga XFS.

Dhagax-dhigga waxaa Madaxwaynaha Jamhuuriyadda ku wehliyay masuuliyiin ay ka mid yihiin Guddoomiyaha ahna Duqa Magaalada Muqdishu Mudane Maxamed Axmed Amiir iyo Wasiirka Dhallinyarada iyo Isboortiga XFS Mudane Maxamed Cabdulqaadir Cali.