Heemaal News Network

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Casuumaad ka Helay Dhigiisa Ruuska Putin

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa helay warqad casuumaad rasmi ah oo uga timid Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin.

Casuumada ayaa waxaa Madaxweynaha soo gaarsiiyey Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda Ruushka, Mikhail Bogdanov oo shalay soo gaaray Muqdisho

Warqadda lagu casuumay Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la xirirta inuu ka qeyb galo shirweynaha Ruushka iyo Ururka Jaamacadda Carabta, kaasoo la qorsheeyay in lagu qabto dhammaadka sannadkan 2025.

Shirkan ayaa la filayaa inuu diiradda saaro xoojinta xiriirka siyaasadeed, dhaqaale, iyo amni ee u dhexeeya Ruushka iyo dalalka Carabta, iyadoo Soomaaliya ay noqoneyso mid ka mid ah dalalka lagu martiqaaday kulankan muhiimka ah.

Bogdanov, waa sarkaal ku dhow Putin oo sidoo kale ah ergaygiisa gaarka ah ee bariga dhexe iyo Afrika oo Putin la wadaaga siyaasadda arrimaha dibadda ee Afrika wuxuuna noqonayaa sarkaalkii u sarreeyay ee Ruushka oo soo gaaray Muqdisho , tan iyo markii uu hoos u dhacay xiriirka labada dal.