Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhaw gaaray jiidaha hore ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab, gaar ahaan degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha dhexe.
Warsaxafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ujeedka madaxweynaha uu tagay degmada Aadan yabaal iney tahay inuu halkaas ka hogaamiyo howlgalada xoreynta deegaanada ay ku harsan yihiin Al-shabaab.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u kuur gali doona mudada uu ku sugan yahay degmada Aadan Yabaal xaalada ciidamada xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ee u istaagay xoreynta deegaanadooda, isagoona warbixino la xariira howlgalada ka dhegeysan doona talisyada iyo hoggaannada ciidamada ku sugan furimaha dagaalka.
“Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa dul istaagi doona xaaladda nololeed ee deegaannada laga xoreeyey argagixisada muddadii la soo dhaafay, maadaama dowladdu ay dadaal badan ku bixisay gurmadka, adeegyada aasaasiga ah iyo daryeelka dadkeenna ku nool deegaannada la xoreeyey oo duruufo adag la noolaa inta ay ku jireen gacanta argagixisada” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.
Si kastaba ha ahaatee degmada Aadan Yabaal ee uu maanta tagay madaxweynaha waxaa mudooyinkii dambe ku sugnaa Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage iyo guddoomiyaha Maxkamadda ciidamada Xasan Cali Nuur Shuute oo halkaas ka waday dardar gelinta howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab.
Safarka madaxweynaha dowladda Federaalka uu goordhaw ku tagay degmada Aadan Yabaal ayaa kusoo aadaya, iyadoo mudooyinkii lasoo dhaafay kooxda Al-shabaab ay kordhisay weerarada ay ka geysaneyso deegaano iyo degmoiyin ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe.
Waxaa sidoo kale warar soo baxaya ay sheegayaan in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu tagi doono saacadaha soo socda degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan oo ay ku sugan yihiin ciidamo badan oo u diyaarsan la dagaalanka kooxda Al-shabaab.