Heemaal News Network

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Kulan sagootin ah la qaatay İbrahim Mete

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa kulan sagootin ah Madaxtooyadda Qaranka kula qaatay safiirka dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga, mudane İbrahim Mete YAĞLI.

Madaxweynaha iyo Safiirka sii baxaya ee dowladda Türkiye u joogay Soomaaliya, Mudane Ibrahim M. Yagli ayaa kawada hadlay xiriirkii wannaagsanaa ee labada dhinac ka dhaxeeyay iyo shaqooyinkii qabsoomay safiirka inta uu joogay.

Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyey Danjiraha muddadii uu ka howlgalayay Soomaaliya kaalintii uu ka qaatay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya labada waddan ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Türkiye.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale boggaadiyey dadaalladii diblomaasiyadeed ee uu ku bixiyey horumarinta iskaashiga labada dal, waxa uuna safiirka sii baxayay u rajeeyay mustaqbal wannaagsan.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Jaaliyada Somalida Columbus Oo si Adag Uga Fal-celisay Bahdilkii Itoobiya ku Sameysay M/Xasan

Heemaaln

Maraykanka Oo Qalabaynaaya Guutada Danab Ee Xooga Dalka Soomaliyeed

Heemaal

“Waa in Miisaaniyada wax Loogu Daraa Dadka Xamar u Shaqo tagey Ee Somaliland ka…” Xil Timo-jilic.

Heemaaln