Heemaal News Network

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Maanta Qaabilay Hoggaamiyaha maamulka SSC Khaatumo

Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarunta madaxtooyada dalka ku qaabilay hoggaamiyaha maamulka SSC Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Aw Cali Firdhiye oo dhawaan Muqdisho uga qeyb galay Shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka.

Hoggaamiyaha SSC Khaatumo ayaa warbixin guud oo la xariirta xaaladda horumarineed, nabadeed iyo dowlad dhiska SSC Khaatumo la wadaagay Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Xasan Sheekh Maxamuud.

Hoggaamiye Cabdiqaadir Firdhiye ayaa uga mahadceliyey madaxweynaha dowladda Fedaraalka casuumaddii shirka Golaha Wadatashiga Qaranka iyo isgarab taagga uu u muujiyay dhismaha dowladnimada SSC Khaatumo.

“Waxaa Madaxweynaha uga mahadceliyey is-garabtaagga dawlad-dhiska SSC Khaatumo iyo dadaalada Xukuummadda JFS ee ku aaddan ilaalinta midnimada dalka” ayuu yiri hoggaamiyaha SSC Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Aw Cali Firdhiye.

Ugu dambeyntiin hoggaamiyaha maamulka SSC Khaatumo oo dhawaan markii ugu horeysay si rasmi ah uga qeybgalay Madasha Wadatashiga Qaranka ayaa mudada uu ku sugan yahay Muqdisho kulamo gooni gooni ah la qaatay madaxda dowladda Fedaraalka iyo masuuliyiin kale oo ay ku jiraan diblumaasiyiin ku sugan Muqdisho.