Madaxweynaha ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan bulshada rayidka, ay door muuqda ku yeeshaan qaabaynta mustaqbalka dalka.
“Haddii aan rabno in Soomaaliya ay hore u socoto, waa in aan ka dhaqaaqnaa meesha aan taaganahay oo aan ku raagaynay muddada dheer. Dimuqraadiyeynta dalka waa tiir muhiim u ah dowladnimada, waana in shacabka Soomaaliyeed siinaa fursad buuxda oo ay qeyb uga noqon karaan go’aan-qaadashada masiirkooda.”
Iyadoo la tixgelinayo muhiimadda ay leedahay wadatashi dhab ah oo ku dhisan xeerinta danta guud, Madaxweynaha ayaa sheegay in uu sii wadi doono kulammada isdaba-joogga ah ee uu la leeyahay qeybaha kala duwan ee bulshada, si loo sii xoojiyo isu diyaarinta gogosha.
Kulammadan ayaa diiradda lagu saari doonaa arrimaha hortabinta u leh dowlad-dhiska dalka, sida hannaanka federaalka, dastuurka, doorashooyinka, iyo amniga.