Israa’iil ayaa saqdii dhexe ee xalay dib u bilowday duullaankeeda Qasa, 85 maalmood ka dib heshiiskii xabbad joojinta ee Qasa ee soo bilowday 17 bishii Jannaayo 2025, iyadoo aan kala soocin; carruur, haween iyo waayeel, tirada dhimashadana waxay ku dhowdahay 500 oo shahiid!
Inta ay socdaan weerarrada dib usoo cusboonaaday, waxaa ku geeriyooday xubno sare oo ka tirsan kooxaha dhaqdhaqaaqyada iska caabinta Qasa iyo saraakiil ka tirsan maamulka Qasa ee ururka Xamaas.
Kooxda iska caabinta Islaami Jihaad, garabkooda hubaysan ee al-Quds ayaa weerarrada illaa xalay ka socda Qasa, waxay ku waayeen dhowr xubnood oo ka tirsan garabka milatari, balse qofka ugu caansan ee duqeymaha uga dhintay waa afhayeenkii guutooyinka al-Quds, Abu Xamsa oo markii u horreysay maanta sawirkiisa iyo magaciisa dhabta ah oo ah Naji Abu Saif la shaaciyay. Israa’iil ayaa duqeysay goob uu ku sugnaa Abu Xamsa, iyadoo ay la shahiideen xaaskiisa iyo tiro ka mid ah qoyskiisa weerar dhanka cirka ah oo lala beegsaday gurigiisa oo ku yaala bartamaha marinka Qasa.
Ururka Xamaas, lama kulmi khasaare gaaray garabkooda militari, taa oo muujinaysa inay mar kasta ku jireen feegnaan sare , balse waxaa la xaqiijiyay dhimashada dhowr sarkaal oo muhiim u ah maamulka marinka Qasa ee hoostaga ururka Xamaas, kuwaa oo kala ah ;
1- Issam Al-Dalis (Abu Moaz) oo ah guddoomiyaha guddiga Dabagalka Shaqada dawladda ee marinka Qasa.
2- Sarreeye Gaas Maxamuud Abuu Tafa oo ah ku-xigeenka Xoghayaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha.
3- Major General Bahjat Abu Sultan (Abuu Al-Baraa) Madaxa hay’adda nabad-sugidda Qasa.
4- Axmed Al-Xatta (Abuu Cumar), Ku-xigeenka Xoghayaha Wasaaradda Cadaaladda.
5- Maxamed Al-Jamaasi (Abuu Cubeyda) Guddoomiyaha Guddiga Gurmadka ee marinka Qasa.