Shirkadda Isgaadhsiinta Casriga ah ee Telesom oo dhawr mar oo hore dawladda Somaliland ka hor istaagtay in ay dalka keenaan Xadhigan internet-ka ayaa ku hawlan dhismaha xarun wayn oo qaybisa Internet-ka xawaaraha badan ee loo yaqaano (Fiber Optic Cable) Xaruntaasi oo ay ka dhistay Magaalada Berbera, awoodda xadhigan ayaa u qaybsami karta dalalka gobolka ee u baahan Internet awood leh.
Xadhiga G2A waa kii Saddexaad ee caalami ah ee soo gaadha Magaalada Berbera.