Maraykanka Iyo Reer Galbeedka Oo Diidayka Qayb-galaan Xaflada Japan Ee Israiil loo Diiday
Safiirada Maraykanka iyo kuwa kale ee reer galbeedka u fadhiya Japan ayaa diidday inay ka qeybgalaan xafladda sannad la ah taasoo lagu xusayo maalintii uu Mareykanka ku riday bamka Atomikada magaalada Nagasaki, kaddib markii loo diidday in munaasabadaa uu ka qeybgalo Safiirka Israa’iil, sababtoo ah waxay Israa’iil xasuuq ka geysanaysa Qasa, si la mid ah xafladan laguma casuumin safiirada Ruushka iyo Belarus, oo duulaankooda Ukraine dartii iyagana laga mamnuucay inay goobjoog u ahaadaan xuskan.
Balse, Mareykanka iyo dalalka reer galbeedka ayaa ku xiray si ay uga qeybgalaan munaasabadan in safiirka Israa’iil loo diro casuumaada, taa oo ay diiddeen markii dambe maamulka magaalada Nagasaki.