Heemaal News Network

Maraykanka iyo Israa’iil oo Weerar Cirka ah ku Qaaday Magaalada Xudayda

Duqeymaha Israa’iil ee Yemen oo Mareykanka uu gacan ka geystay ayaa lagu beegsaday dekedda Xudeydah, iyadoo ay ka qeybqaateen 30 diyaaradood oo kuwa dagaal ee Israa’iil oo fuliyay siddeed mowjadood.

Bartilmaameedka dekedda Xudeydah, ayaa mar kale bannaanka soo dhigaya Mareykanka iyo Israa’iil ku dhibtoonayaan inay helaan bartilmaameedyo sax ah oo ay ku waxyeelan karaan Xuutiga, iyagoo door bidaya inay beegsadaan kaabayaasha dhaqaalaha.

Duqeymahan ayaa u muuqda inay Israa’iil uga jawaabayso weerar ay fadeexad kala kulantay oo Xuutiga ay shalay ku qaadeen Israa’iil.