Heemaal News Network

Maraykanka Iyo Shiinaha Oo Isku-gu Hanjabay Dagaal Dhex-mara

Xoghayaha difaaca Mareykanka , Pete Hegseth ayaa sheegay inuu Mareykanka dib u dhisi doono ciidanka, si uu isugu diyaariyo dagaal! Isla markii oo ay warbaahinta waydiisay in diyaar garowga dagaal ee Mareykanka ku wajahan yahay Shiinaha , wuxuu sheegay inuusan Mareykanka dooneyn dagaal uu la galo Shiinaha.

Hadalka kaddib, waxaa maanta shir jaraa’id qabtay afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha, Lin Jian oo sheegay inuu Mareykanku usoo muujinayo Shiinaha inuu khatar ku yahay , balse hab-dhaqankaa wuxuu ku tilmaamay marin habaabin, isagoo caddeeyay Shiinaha inuu dhankiisa diyaar u yahay nooc kasta oo dagaal.

afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in dagaal dhex mara Shiinaha iyo Mareykanka, uu noqon doono mid aysan labada dhinac ku guuleysan karin!