Heemaal News Network

Maraykanka Oo 10 Milyan $ Dul-dhigay Cabdullaahi Banati Oo Masuul ka ahaa Weerarkii Manda Bay

Dowladda Mareykanka ayaa shaacisay abaalmarin dhan ilaa $10 milyan oo doolar oo la siin doono cid kasta oo keenta xog lagusoo qaban karo Cabdullaahi Banati oo mas’uul ka ahaa weerarkii ka dhacay saldhigga ciidamada Mareykanka iyo Kenya ee Manda Bay, Kenya, 5-tii Janaayo 2020.

Weerarkaas oo ay sheegatay kooxda Al-Shabaab, ayaa sababay dhimashada saddex askari oo Mareykan ah iyo dhaawaca askari Kenyan ah.

Saldhigga Manda Bay, oo qeyb ka ah xarumaha Ciidamada Difaaca Kenya, waxaa si wadajir ah u isticmaala ciidamada Mareykanka si ay u fuliyaan tababaro, taageero, iyo hawlgallo degdeg ah oo lagula tacaalo khataraha ka jira Bariga Afrika.

Barnaamijka Caddaaladda oo hoos yimaada Adeegga Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka, ayaa sheegay in abaalmarintan lagu dhiirrigelinayo in la helo xog horseedi karta caddaalad. Waxaa sidoo kale la ballanqaaday fursad dib-u-dejin ah iyo ilaalin buuxda oo dhinaca amniga ah oo loo fidinayo qofka bixiya xogta.

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah dadaallada Mareykanka uu ugu jiro raadinta shakhsiyaadka khatarta ku ah amniga qaranka iyo xulafadiisa caalamiga ah.

Dowladda Mareykanka waxay ugu baaqday cid kasta oo haysta xog la xiriirta weerarka Manda Bay in ay si qarsoodi ah ula soo xiriiraan barnaamijka abaal marinta Caddaaladda, iyadoo la xaqiijinayo in xogtooda si buuxda loo ilaalin doono.