Heemaal News Network

Maraykanka Oo Caawa Weeraro ka Fuliyay Magalada Sanca Ee Dalka Yemen

Mareykanka wuxuu horraantii caawa ka fuliyay magaalada Sanca ee caasimadda Yemen, weerar ay diyaarinayeen muddo toddobaad ah, kaasoo la sheegay inuu bilow u yahay weerarro taxane ah oo Mareykanka ku beegsanayo kaabayaasha kooxda Xuutiyiinta Yemen, sida ay ku warrantay warbaahinta Axios.

Warsaxaafadeed ay baahiyeen Xuutiyiinta oo uu soo xigtay telefishinka Al Jazeera , ayaa lagu sheegay weerarka inay ku geeriyoodeen 9 qof , halka sagaal kale oo dhammaantood shacab ah ay ku dhaawacmeen.

Madaxweynaha Mareykanka , Donald Trump oo qoraal soo saaray , wuxuu sheegay inuu maanta soo saaray go’aan uu ku amrayo ciidamada Mareykanka inay qaadaan howlgal milateri oo adag, oo ka dhan ah waxa Xuutiyiinta, isagoo intaa ku daray ;”Askarteennu waxa ay qaadayaan weerarro ka dhan ah saldhigyada argagixisada, hoggaamiyayaasha, iyo difaaca si ay u ilaaliyaan maraakiibta Mareykanka iyo soo celinta xorriyada socdaalka…. Biden wuu idin naxariisan jiray , laakin waxaan idin sheegayaa Xuutiyiinta in waqtigiina dhammaaday, weeraradiina joojiya, haddii kale waxaad la kulmi doontaan wax u dhigma naarta oo weligiin horey u arag”!

Dhanka kale, Xog-hayaha Difaaca ee Mareykanka ayaa yiri “waxaa digniin loo diray Iran oo taageerta Xuutiyiinta, waxaana dib loo soo celin doonaa xorriyadda socdaalka ee badda cas.”