Heemaal News Network

Maraykanka Oo Hakiyay Qaadashada Qaxootiga

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa joojisay socdaalka qaxootiga ee Mareykanka waxayna hakisay howsha qaxootiga, sida ku cad hagidda gudaha ee ay heshay shaqo wadaagga BBC ee Mareykanka CBS.

“Dhammaan safarradii horey loo qorsheeyay ee qaxootiga ee Mareykanka waa la baajiyay, mana jiri doono ballan cusub oo socdaal,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda, iyadoo aan la cayimin inta ay socon doonto hakinta.

Qoraalka, oo soo jeedinaya in hakintaasi ay si dhakhso ah u dhaqan gasho, ayaa daba socota amar fulineed oo uu saxeexay madaxweyne Donald Trump Isniintii oo sheegayay in qaabilaada qaxootiga ee Maraykanka la hakinayo laga bilaabo 27ka Janaayo.

Amarka ayaa dhigaya in Maraykanku “ay lahayn awood uu ku qaato tiro badan oo muhaajiriin ah, gaar ahaan, qaxootiga”.

Xeerku waxa uu joojinayaa USRAP ilaa “galitaanka dheeraadka ah ee qaxootiga Maraykanka la waafajinayo danah mareykanka

Sorce BBC