Heemaal News Network

Maraykanka Oo Sheegay in Somaliya ay ka Noqotay Amarkii Xayiraadda Baasaboorka Taiwan

Dowladda Maraykanka ayaa ku dhawaaqday in dowladda Soomaaliya ay ka noqotay xayiraaddii ay kusoo rogtay baasaboorka Taiwan, taas oo hor istaagtay safar uu Wasiirka Arrimaha Dibadda Taiwan ku tegi lahaa Somaliland.

Troy Fitrell, oo ah sarkaal sare oo ka tirsan Waaxda Arrimaha Dibadda Maraykanka, oo dhawaan hortagay Golaha Senate-ka Maraykanka, ayaa sheegay in Soomaaliya ka noqotay amarkii xayiraadda baasboorka Taiwan.

“Waan ku faraxsanahay in dowladda Soomaaliya ay ka noqotay amarkii xayiraadda, isla markaana ay billowday inay markale ixtiraamto baasaboorka Taiwan,” ayuu yidhi Fitrell.

Waxa uu intaas ku daray in waddan kasta oo farageliya xidhiidhka arrimaha dibadda ee Taiwan uu dirayo fariin ah in aanu dooneyn inuu la macaamilo dunida xorta ah, isla markaana aanu rabin inuu Maraykanka la yeesho xidhiidh wax ku ool ah. Waxa uu sidoo kale digniin u diray waddan kasta oo faragelin ku sameeya Taiwan, isagoo sheegay in arrintaasi khatar galin karto xidhiidhka uu waddankaasi la leeyahay Washington.

“Taiwan waa xubin masuul ah oo ka tirsan beesha caalamka, sidaa darteed xidhiidhkeedu waa mid muhiim ah. Waxaa jira waddamo Shiinaha u habranaya oo Taiwan dhibaataynaya. Sida ay Taiwan ula dhaqmaan waxay noo diraysa fariin sheegaysa inaysan wax tar u lahayn dunida xorta ah,” ayuu yidhi Fitrell.

“Waxa ay sidoo kale su’aal gelinayaan xidhiidhka ay nala leeyihiin anaga,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Qaar kamid ah xildhibaanada ayaa sheegay in taageerada Shiinaha ee Soomaaliya ay si toos ah ugu gudubto kooxo kasoo horjeeda Somaliland oo ay ku tilmaameen inay tahay saaxiib uu Maraykanka, Reer Galbeedka, iyo Israa’iil ku leeyihiin Geeska Afrika.

Xildhibaanada ayaa masuulka weydiiyay waxa uga meel yaalla in Maraykanku uu xidhiidh toos ah la yeesho Somaliland, iyagoo sheegay in arrintaasi muhiim u tahay ka hortagga is-ballaadhinta Shiinaha ee gobolka. Firtell ayaa sheegay in ay la shaqaynayaan cid kasta oo diyaar u ah inay la macaamisho dunida xorta ah.

Isla markii xayiraadda la saaray baasaboorka Taiwan, qaar kamid ah xildhibaanada Kongress-ka ayaa ku hanjabay in Soomaaliya ay ka tanaasushay xidhiidhkii ay la lahayd Maraykanka. Diblumaasiyiin ka ag dhow maamulka Trump ayaa sidoo kale sheegay in Xeerka Ilaalinta Taiwan (Taipei Act), oo la meel mariyay sannadkii 2020, uu qaban doono Soomaaliya, taas oo keeni karta cadaadis kaga yimaada Washington.

Shiinaha ayaa dhankiisa soo dhaweeyay xayiraadda baasaboorka Taiwan, halka Taiwan ay iyaduna xayiraad kusoo rogtay baasaboorka Soomaaliya, taas oo ahayd jawaab celin.

Dowladaha Shiinaha iyo Soomaaliya ayaa wada dadaallo ay ku hor istaagayaan xidhiidhka u dhexeeya Taiwan iyo Somaliland oo bilowday sannadkii 2020, maadaama labaduba ay qabaan in Hargeysa iyo Taipei ay hoos tagaan Muqdisho iyo Beijing.