Heemaal News Network

Maraykanka Oo Sheegay inuu ka Fikirayo Xidhiidh Uu la Yeesho Somaliland

Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay inay ku hawlan tahay qorshe ay xidhiidh kula yeelanayso Somaliland, xilli Maraykanka ay ka socdaan dadaallo lagu doonayo in lagu aqoonsado Somaliland.

Ku-xigeenka Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, Christopher Landau, ayaa sheegay inuu baryahanba si qoto dheer u dersayay sidii Washington xidhiidh ula yeelan lahayd Somaliland. Wuxuu hadalkaasi kaga jawaabay faallo uu qof reer Somaliland ah ku qoray bartiisa X (Twitter).

Faallada uu Landau ka jawaabay, oo uu qoray qof magaca Burco Kid, kusoo gala barta X, ayaa u dhignayd sidan: “Shaqo wanaagsan Xoghaye ku-xigeen, fadlan dhaqaalaha oo dhan ka jar Soomaaliyada guuldarraysatay ee xerada u ah argagixisada. Somaliland waxay diyaar u tahay inay Berbera ku martigeliso xulafadeeda Maraykanka si looga hortago saamaynta Shiinaha.”

Landau oo si toos ah uga jawaabay soo jeedinta Burco Kid ayaa yidhi: “Arrintan si dhow ayaan u eegayay baryahanba,” taasoo muujinaysa in Dowladda Maraykanku ay ka fikirayso inay si toos ah xidhiidh ula yeelato Somaliland. Dhawaan, warbaahinta Maraykanka ayaa sheegtay in wadahadallo hordhac ah oo ku saabsan aqoonsiga Somaliland ay bilaabeen Somaliland iyo Maraykanka.

Siyaasiyiinta Maraykanka ee u ololeeya aqoonsiga Somaliland ayaa ku doodaya in Somaliland tahay dimuqraadiyadda kaliya ee Geeska Afrika ka jirta, isla markaana ay tahay goob istaraatiji ah oo nabdoon, taasoo diidday inay xidhiidh la yeelato Shiinaha. Sidaas darteedna, ay noqon karto furaha hawlaha ilaalinta Gacanka Cadmeed, Badda Cas, iyo ka hortagga saamaynta Shiinaha iyo Iiraan ee gobolka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhankeeda wada dadaallo ay kaga hortagayso in xidhiidh toos ah dhex maro Washington iyo Hargeysa. Sida la wariyay, waxay waraaqo u dirtay Madaxweyne Trump iyo dadka saameynta ku leh siyaasadda Mareykanka sida Elon Musk, si ay ugu qanciso maamulka Trump inuu ka baaqsado xidhiidhka Somaliland.

Hadda waxaa dalka Maraykanka ku sugan Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Cabdiraxmaan Aadan Bakaal, oo sheegay in la joogo waqtigii la aqoonsan lahaa Somaliland, isla markaana loo baahan yahay in bulshadu si mideysan uga qaybqaadato xaqiijinta himiladaasi.