Heemaal News Network

Maraykanka Oo Toos Uga Qayb-galaya Duulaanka Israa’iil ku Qaadayso Xisbullah.

Mareykanka wuxuu u muuqda inuu si toos ah uga qaybqaadan doono duulaanka ay Israa’iil ku qaadayso Xisbullah, kaddib markii labada markab ee USS Dwight D. Eisenhower iyo USS Theodore Roosevelt oo xambaaraha diyaaradda dagaalka ay usoo dhaqaaqeen badda Mediterranean-ka ee u dhow Lubnaan.

Markabka USS Dwight D. Eisenhower, wuxuu ka tagay badda cas , halkaa oo uu uga hortagayay weerarrada Xuutiyiinta oo dhankooda sare u qaaday weerarrada ay la beegsanayaan maraakiibta xiriirka la leh Israa’iil.

Mid ka mid ah ujeeddooyinka maraakiibtan loo keenay Mediterranean-ka, waxaa lagu sheegay inay Israa’iil ka difaaci doonaan gantaalada Xisbullah, sidoo kalana ay noqon karaan goob duqeymaha laga abaabulo haddii Xisbullah ay duqeyso garoommada diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil.

Sidoo kale Israa’iil ayaa waxay nidaamkeeda difaaca hawada oo ay ku jiraan kuwii yaalay deegaannada ku dhow Qasa ee koonfurta u daabulaysa dhinaca xadka Lubnaan, tan waxay dhalinaysa sidee noqonaya habka loo xakameynayo Xuutiyiinta iyo sidoo kale kooxaha Falastiiniyiinta oo uu hoos uga dhacayo cadaadiskii Israa’iil iyo Mareykanka, marka uu bilowdo duulaanka Lubnaan?