Warbixin ay daabacday wakaaladda wararka ee AP ayaa sheegaysa in Mareykanka iyo Israa’iil ay la xiriireen dowladaha Sudan, Soomaaliya, iyo maamulka Somaliland si ay u aqbalaan in dadka Qaza loo soo raro waddamadooda.
Sida laga soo xigtay mas’uuliyiin Mareykan iyo Israa’iili ah, Sudan waxay si cad u diiday soo jeedinta, halka mas’uuliyiin ka tirsan Soomaaliya iyo Somaliland ay sheegeen in aanay wax wada-hadal ah la yeelan Israa’iil ama Mareykanka.
Waxaa la sheegay in Israa’iil ay dadaal ugu jirto inay hesho dalal aqbala barakicinta Falastiiniyiinta, iyadoo xitaa wasaaradda gaashaandhiggeeddu diyaarinayso waax cusub oo arrimaha qaxootiga qaabilsan.
Warbixinta ayaa sidoo kale xustay in Mareykanku uu Somaliland kala hadlayo sidii ay u aqoonsan lahaayeen si ay uga helaan taageero, taasoo ay ku bedelanayaan iney aqbalaan dhulkooda qeyb laga dejiyo qaxootiga laga soo barakicinaya Gaza hase ahaatee Somaliland kama hadlin arrintaas